Mid ka mid ah shirkadaha gawaadhida samaysa ayaa qiratay in gaadiidka ay soo saarto ay ku xidhanyihiin aalado meesha aad joogto sheegaya. 

Shirkadda wayn Mercedes ee soo saarta gaadiidka raaxada iyo noocyada kale ee baabuurta, ayaa qiratay in gawaadhida ay farsamayso ay ku xidhanyihiin dareen-wadayaal yar yar oo awood u leh in ay sheegi karaan meesha uu gaadhigaasi ku suganyahay.

Gawaadhida cusub ee ay shirkaduu soo saartay iyo kuwii horeba waxa la shegayaa in qalabkani uu ku xidhanyahay, iyadoo sanadkan oo kaliya shirkaddu waddanka Ingiriiska ka iibisay 170,000 kun oo gaadhi.

Shirkadda ayaa ku andacoonaysa in qalabkan ay kaliya uga danleedahay si loo ogaan karo macaamiisha aan si toos ah u bixin lacagaha lagu leeyahay, balse dad badan ayaa walaac xoogan ka muujiyay.

David Dvis oo hore Ingiriiska wasiir ugasoo noqday ayaa xukuumadda raysalwasaare Boris Johson ugu baaqay in ay baadhitaano dheeraad ah ku samayso arintan.

Shirkadda Mercedes ayaa lagu yaqaanaa gawaadhida raaxada, waxay sidoo kale soo saartaa basaska iyo gawaadhida xamuulka qaada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga