Shirkii Wadatashiga ee u dhexeeyay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee dalka Soomaaliya ayaa baaqday, sida ay sheegeen ilo ku dhaw shirka.

Shirka ayaa la filayay in uu maanta ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo iman lahaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo ka arinsanayay doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka hoggaanka dawladda federaalka.

Xogo laga helayo shirka ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug uu dalbaday in shirka dib loo dhigo, isagoo Muqdisho ka wada dhex dhexaadin ku aadan khilaafka ka dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Qoorqoor ayaa kulan la yeeshay shalay raysalwasaare Rooble oo weli aan la ogayn waxa ay ka wada haldeen, balse la sheegay in ay ka heshiiyeen kala aragti duwanaansho soo kala dhex galay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga