Online money transfer concept with male hand holding smart phone with dollar bills above on map background. Modern flat design concepts for web banners, websites, Vector illustration.

Maraykanku wuxuu ugu danbayn shirkadaha alBarakat ka saaray liiska shirkadaha argagixisada taageera. Warkan ayaa imanaya 19 sanno kadib markii shirkadahan lagu daray liiska madaw, ee la xanibo hantidada iyo dhaqdhaqaa dadka iska leh.

Waaxda cadaaladda Maraykanka, gaar ahaan xafiiska maamula hantida dibadda, ayaa bayaan uu soo saaray shirkadahan kaga saaray liiska. Waxaana ku jiray shakhsiyaad iyo shirkado kale oo yar yar.

Hantida shirkadda iyo xafiisyo ay ku lahayd qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya, sida Muqdisho iyo Boosaaso, iyo wadamada dibadda sida Imaaradka, Marayknka iyo Canada ayaa hadda la fasaxayaa. Inkasta oo dhaawac wayni uu soo gaadhay ganacsiga shirkada mudadaas, sida uu hore u sheegay axmed nuur jimcaale oo ah mulkiilaha shirkadahan, imikana degen waddanka Jabuuti.

Shirkadaha Barakaat oo ka koobnaa bangiyo, nidaamka xawaaladaha lacagaha la iskugu diro, shirkadaha isgaadhssinta iyo kuwo ka shaqeeya nidaamada lacagaha ee kale ayay xanibaadani uga dhignayd in dhamaan hantidoodu ay xayirnaanayso, isla markaana aanay samayn karin wax ganacsi ah.

Maraykanku wuxuu shirkadahan liiska argagixisada ku daray sanadkii 2001-dii wixii ka danbeeyay weeraradii lagu qaaday daarahii marayknka ee mataanaha ahaa kuna yaalay magaalada New York 11ka bishii sep ee 2001dii.

Waagaas waxa shikadaaha Barakat looga shakiyay inay lug ku leeyihiin hawlaha argagixisada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga