Shirkadaha bixiya adeegyada dhanka internet-ka ee Somaliland iyo xukuumadda ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday magaalada Hargeysa.
Heshiiskan ayaa ahaa mid ay saddexda shirkadood ee Telesom, Somtel iyo Somcable ay saamiyo ku yeelanayaan xadhiga dhanka internet-ka ee xawaaraha badan ee fiber-ka loo yaqaano.
Waxa qalinka si wada jira ugu duugay maamulaha guud ee shirkadda Telesom, maamulaha guud ee Dahabshiil Group iyo maamulaha guud ee MSG Group.
Hore waxa la iskula qaatay in saddexda shirkadood ay saamiyo isku mid ah ku yeeshaan xadhiga internet-ka ee lagasoo tallaalo badda Jabuuti, kaas oo shirkadda Somcable hore loogu xidhay iyaduna ay kentay gudaha Somaliland.