Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa gaadhay heer gabogabo ah kadib maalintii lixaad oo shirku uu ka socdo magaalada Muqdisho.

Maanta ayay Goluhu la shirayaan Mdiawga Murashaxiinta oo ay la wadaago doonaan go’aanka ugu danbeeya iyo sidoo kale aragtida ugu danbaysa ee dhanka Midawga Murashaxiinta.

Arinta amniga ayaa ah dooda miiska taala ee keentay in shirku uu dib u dhaco iyadoo la filayay in saddex maalmood oo kaliya uu socdo, balse uyu galay maalintii lixaad.

Afhayeenka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in jawi degan uu shirku ku socdo isla markaana la filayo in dhinacyadu ay gaadhaan is-af-garaad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga