Shirkii wadatashiga heer federaal iyo heer-dawlad-goboleed ayaa si toos ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb, madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi:
”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna”
Wararkii ugu dambeeyay kala soco SAAB TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga