Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa galay maalintii ugu danbaysay iyadoo si habsami ah uu u socdo.

Maanta Shirka waxa lagu wadaa in ay qayb ka noqdaan ururada haweenka iyo bulshada rayidka ah oo laga talo galinayo arimaha masiiriga ah ee la isla qaadanayo.

Raysalwasaare Rooble iyo dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa jooga, waxaana wehelinaya gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Galinka danbe ee maanta ayaa la soo saarayaa war murtiyeed lagu heshiis yahay oo xambaarsan qodobada laga dooday isla markaana la isla qaatay.

Villa Soomaaliya iyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ayaan weli ka hadal shirkan oo hore ay u diidanaayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga