Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Boqor Salmaan, ayaa maalintii Isniinta magaalada Riyaad ee caasimadda waddanka Sacuudi Carabiya ku qaabilay wasiirrada arrimaha dibadda ee dawladaha carabta iyo kuwa Afrikaanka ee dawladaha ku teedsan badda cas ee gacanka cadan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee xaadiray kulankaas, ayaa iskugu jiray wasiirrada todoba dal oo Carab iyo Afrikaanba leh, kuwaas oo kala ahaa Sucuudi Carabiya, Masar, Yaman, Suudaan, Jabbuuti, Soomaaliya iyo Jordan.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Sucuudi Carabiya, boqor Salmaan ayaa kala munaaqashooday wasiirradan dedaalkiisa ku aaddan horumarinta iyo wada-shaqaynta dawladaha badda cas iyo gacanka cadmeed.

Halka ka hor kulankana uu wasiirka arrimaha dibadda Sucuudi Carabiya amiir Faysal bin Farxaan uu dul istaagay baahida loo qabo in la dardargeliyo xawaaraha wada-shaqaynta dawladahan iyo ka hortegidda wax uu ku tilmaamay khataraha iyo caqabadaha gobolka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay sidan: ‘’Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celcelineysaa mowqifkeedii hore ee ahaa inay ka fiirsato oo aan iskaashi la yeelan siyaasadaha, barnaamijyada, iyo waxqabadka waddamada xubnaha ka ah carabta-Afrika ee xadka la leh Badda Cas.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu yidhi: 

 

 

 

‘’Somaliland waxay aqoonsan tahay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas ee loogu talagalay nabadda iyo nabadgelyada gobolka iyada oo ugu horreyntiina soo dhoweyneysa baahida loo qabo in la sameeyo meel loo wada dhan yahay si loo ilaaliyo biyahan. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu xusay inay Somaliland ku dedaashay ilaalinta xeebteeda dherar ahaan dhan 850 KM iyadoo baa layidhi ay ka ilaalisay budhcad-badeed.

Gabagabadii qoraalka kasoo baxay wasaardda ayaa lagu yidhi: 

Somaliland waxay rajaynaysaa iskaashi kasta oo si firfircoon uga qaybqaata nabadgelyada iyo barwaaqada aaggan, iyada oo aan lagu xadgudbin madax-bannaanida dal kasta.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa u muuqday mid farriin loogu dirayo wasiirrada arrimaha dibadda ee Riyaad ku sugan.

Biyaha badda cas, ayaa kamid ah meelaha ugu istaraatijisan adduunka kaas oo ay maraan maraakiibta sidda badeecadaha kala duwan ee iskaga kala goosha bariga iyo galbeedka adduunyada.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga