Shirkii lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa dib u dhacay kadib markii dhinacyada ka qayb galaya shirku ay isku fahmi waayeen meesha lagu qabanayo shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaciyay shir lagaga tashanayo arimaha doorashooyinka oo 15-ka bishan oo maanta ku beegani uu ka dhaco magaalada Garoowe.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa soo jeediyay in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, halka saddexda maamul ee kalana aanay ka hadlin shirka.

Waxa loo tirinayaa in sababta dib u dhacu ay tahay meesha lagu qabanayo shirka oo la isku af-garan waayay, inkasta oo aanu war kasoo bixin weli dhinacyada.

Shirka ayaa lagu rabay in lagu xaliyo khilaafaadka doorashada ee taagan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga