Shir madaxeedka wadamada Afrika ayaa galay maalntii labaad iyadoo madaxweynyaasha iyo hogaamiyayaasha kale ee Afrika ay ku suagn yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta Midawga Afrika.

Madaxda Afrika ayaa diirada saaraya arimaha af-gembiga ee qaaradda kusoo badanaya muddooyinkii danbe, arimaha caafimaadka iyo is-bedelka cimilada.

Waxa maanta warbixino laga dhagaysanayaa qaar ka mid ah gudiyada heerka sare ee arimaha laga doodayo hore logu xil saaray, iyadoo ay jiraan kulan docedyo ay leeyihiin madaxdu.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda shirka kasoo qayb gashay oo uu ka mid yahay raysalwasaaraha Itoobiya, kana wada hadleen danaha wadamadooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga