Magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya waxa saaka ka furmaya shir heer sare ah kaas oo lagaga hadli doono arimaha horumarinta dadka.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ayay kasoo qayb gali doonaan madax ka kala socota qaaradda Afrika iyo madax ka socota hay’adaha ajaanibta ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkan ka qaybgalaya waxaana wehelinayay madax ka socota dawladda federaalka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda shirka kasoo qayb galaysa.

Lama oga in madxaweyne Farmaajo uu si gaar ah ula kulmi doono dhigiisa Kenya, xili labadooda waddan uu ka dhaxeeyo muran xoogaystay oo ku aadan lahaanshaha biyo ku yaala Badweynta India.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga