Ruushku wuxuu la shiray labada dawladood ee Itoobiya iyo Jabuuti iyagoo ka wada hadlay arimo dhawr ah.
Kulanka dhex maray dawladahan oo Ruushku uu soo agaasimay ayaa lagaga dooday arimaha ganacsiga, fursadaha ganasatada wadamadan iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya.
Wakiilo ka kala socday saddexda dawladood gaar ahaan waaxaha ganacsiga ayaa shirka ka qayb galay. Waxa wehelinayay safiirka Ruushka ee dalka Itoobiya.
Danjire Evgeny Terekhin, safiirka Ruushka ee Itoobiya wuxuu tiibaaxay in shirkani uu muhiimad wayn u leeyahay ganacsatada yar yar iyo kuwa heerka dhexe ee saddexdan dawladood, iyadoo ay ugasoo bixi doonaan fursadaha suurtagalka ah ee ay wadaagi karaan.