Madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Maraykanka loona yaqaano FBI-da ayaa sheegay in Shiinuhu yahay khatarta ugu wayn ee Maraykanka hor taala.

Chirtopher Wray wuxuu xusay in wax uu ku sheegay basaasnimada iyo tuugada uu Shiinuhu wadaa ay yihiin khatarta ugu wayn ee uu wajahayo mustaqabalka dalka Maraykanku.

Isagoo ka hadlayay gudaha maxadka Hudson ee arimaha siyaasadda fadhigiisuna yahay magaalada Washington, wuxuu Christopher tusaale usoo qaatay in Shiinuhu uu beegsanayo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda waddanka, khalkhal galin uu sheegay in uu ku sameeyay daaraasaadka cudurka Covid-19 ee gudaha Maraykanka, iyo faragalino kale.

Hadalkiisa oo saacad in ku dhaw qaatay ayuu sidoo kale ku xusay in Shiinuhu uu rabo in uu noqdo quwadda kaliya ee dunida ka talisa, taasna uu u galayo dedaal kasta.

Basaasidda ganacsiga, xadida xogaha, lacagaha tuugada ah, saamaynta siyaasadaha Maraykanka iyo falal kale oo sharci darro ah ayuu ku eedeeyay xukuumadda Beijing.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga