Magaalada Beijing ayaa dib u billowday adeegyadeedii xadiidka xamuulka ahaa ee u dhexeeya bartii uu cudurka Coronuhu ka dillaacay ee magaalada Wuhan iyo qaaradda Yurub.

Shiinaha, ayaa gargaar caafimaad u daabulaya dalka Jarmalka, iyaga oo mas’uuliyiinta Shiinuhuna ka shaqeynaya sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tallaabooyinka karantiilka ee adag, ka dib markii tirada kiisaska cusub ee cudurka ‘Covid-19’ hoos u dhacday dalkaas.

Tareen ay ka buuxaan agab-caafimaad iyo kuwa dhismaha, ayaa ka tagay xarun laga raaco tareennada magaalada Wuhan oo ah magaalo madaxda gobolka Hubei ee bartamaha Shiinaha, waxaana lagu wadaa in ay gaadhaan magaalada Duisburg ee dalka Jarmalka labo todobaad kadib, sida ay ku warantay jariidada Shiinaha ka soo baxda ee loo yaqaan Global Times. 

Gaadhsiinta gargaarkan caafimaad, ayaa  waxaa uu noqon doonaa hawlgalkii ugu horreeyay ee xamuul u kala qaada Shiinaha iyo midowga Yurub, kaasoo si toos ah uga yimaadda magaalada Wuhan tan iyo markii magaaladaas laga dhigay karantiil adag bishii January ka dib dillaacii cudurka Coronavirus.

Waxay ahayd bishii December, sannadkii 2019-kii, markii magaalada Wuhan laga diiwaangeliyay kiisaskii ugu horreeyay ee cudurka Corona-ha, iyadoo wixii intaa ka dambeeyayna magaaladu noqotay xudunta cudurkan.

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa si tartiib tartiib ah u fududeynayay xannibaadaha safarka ee gobolka Hubei, iyada oo 17 saldhigyada tareennada laga raaco ee Wuhan ay qayb ahaan dib u bilaabeen maalintii Sabtidii. 

Shiinuhu waxa uu ku dhawaaqay in dadka deggan magaalada Wuhan kadib marka la hubiyo badqabkooda caafimaad, loo ogolaan doono inay ka baxaan magaalada 8- bisha Apri.

Coronavirus, ayaa imika faro ba’an ku haya dalka Maraykanka, iyadoo halkaas laga soo sheegayo kiisas kor u dhaafaya 100,000 oo kiis, Talyaaniga ayaa ah dalka labaad, halkaas oo uu asiibay in ka badan 86,500 halka China ay tirada uu asiibay marayso 81,300 oo qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga