Shiinaha ayaa beegsanaya shirkadaha Maraykanka ee farsamaynaya hub balaayiin dollar ku kacaya oo Maraykanku uu ka iibinayo jasiirada Taywan.

War kasoo baxay xukuumadda Beijing ayaa lagu xusay hanjabaadda dawladda Shiinaha ee ay uga digayso shirkadaha Maraykanku in ay farsameeyaan hubkaas.

Illaa saddex shirkadood oo ka mid ah kuwa ugu waawayn Maraykanka ee hubka sameeya ayaa ku jira liiska dawladda Shiinaha u calaamadsan ee ay cunaqabataynta saarayso.

Maraykanka ayaa meel mariyay heshiis hub lagag iibinayo Taywan kaas oo ku kacaya adduun lacageed oo dhan $2.37bn. Waaxda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ansixisay, sida ay Isniintii sheegtay wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka loo yaqaano.

Taywan waxay soo dhawaysay dhammaan heshiisyada uu Maraykanku ogolaaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga