Dawladda shiinaha ayaa maraykanka ku canaanatay in aanu rabin xal laga gaadho dagaalka ganacsi ee u dhexeeya labada dawladood, oo ah kuwa ugu dhaqaalaha buuran guud ahaan caalamka.

Xiisadda ganacsi ee u dhaxaysa xukuumadaha washington oo dagaalka bilawday iyo xukuumadda beijin ayaa cirka iskusii shareeraya. Iyadoo cashuuraha ay iskusoo rogayaanna ay sii kordhayaan.

Shiinaha ayaa xusay in marykanku uu qaadanayo masuuliyadda wadahdalkii burburay ee u dhexeeeyay labda dawladood.

Wuxuu intaa ku daray in maarykanku aanu ku khasbi karin shiinaha wax aanay dani ugu jirin, isla markaana aanay ka laaban doonin wax uu ku sheegay mabaadi’dooda aasaasiga ah.

Maalintii sabtida ayaa la dareemay saamaynta cashuur dhan 60-Bilyan oo dawladda shiinuhu ay dul saartay badeecadaha shiinaha uga yimaada dalka maraykanka.

Beeralayda maraykanka ayaa ka walaacsan sida uu xaalkoodu noqon doono, madaama ay shiinaha kala kulmi doonaan cashuuro tiro badan.

Si la mid ah maraykabkuna wuxuu badeecadaha shiinaha kusoo rogay 10naan bilyan oo Dollar.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka dawladda shiinaha, ayaa lagu sheegay in heshiiska dhexmaraya labada dawladood uu ku dhisnaado dheelitirnaan iyo faa’iido laba geesood ah.

Dagaalkan ganacsi oo markii hore uu bilaabay maamulka madaxweyne Trump, ayaa imika u muuqda mid xididaysanaya, Marka laga tago badeecadaha guud, labada dawladood waxay imika beegsanayaan shirkadaha ganacsi ee labada Waddan, arintaas oo saamayn karta dunida inteeda kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga