Laba diyaaradood oo uu leeyahay Shiinuhu, ayaa si kooban ugu dul duulay xadka aan la aqoonsanayn ee u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan, subaxnimadii Isniinta, iyadoo sannadkanani uu ahaa sannad aad mashquul u ah marka ay noqoto  layliyada Militari ee ka socda halkaasi.

In kasta oo ay dayuuradahu muujinayaan xanaaqa iyo sida ay Beijing uga xuntahay booqashadii joogtada ahayd, ee Xoghayaha Caafimaadka ee Maraykanka Alex Azar ku tegay caasimadda Taiwan ee Taipei, haddana hawgallo kuwan la mid ah ayay dawladda Shiinuhu ka samaysay hawada iyo badda Taiwan ugu yaraan 20 jeer sannadkan, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.

 Wasiirka Arimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu wuxuu ka digay falalka dawladda Shiinuhu iskugu dayayso inay awood Militari ku saamayso jasiirradda Taiwan.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaan meesha ka saarin tallaabo Militari oo ka dhan ah Taiwan,  taas oo ah dhul dimuqraadiyad ah kuna nool yihiin 23 milyan oo qof iyadoo xisbiga shuuciga ah ee Beijing uu sheeganayo inay kamid tahay qayb-dhulkooda kamid ah inkasta oo aanayweligood xukumin jasiiraddaas.

Dhibtii ugu weyneyd uguna dambeysay ee dhex marta Beijing iyo Taipei waxay ahayd 1995-1996 markii Shiinaha uu gantaalo ku tuuray biyaha Taiwan ka dib booqasho uu madaxweynaha Taiwan Lee Teng-hui kutegay Mareykanka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga