Shiinaha ayaa deedafeeyay shirka ka socday deegaanka Cornwall ee koonfurta England, dalka Ingiriiska.

Wadamada ku midaysan ururka G7 ama kooxda 7-da ayaa ku shirayay halkaas iyagoo ka doodaya arimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo cimilada dunida waxayna kasoo saareen bayaano ay qaarkood lid ku yihiin dawladda Shiinaha.

Shiinaha oo arintan diidan ayaa xusay in koox yari aanay suurtagal ahayn in masiirka dunida ay ka hadlaan, waa sida uu ahdalka u dhigaye.

Afhayeenka sadaaradda Shiinaha ee dalka Ingiriiska oo arintan ka hadlay ayaa tibaaxay inj wadamada dunida oo dhami ay xaq u leeyihiin in lagala tashado arimaha masiiriga ah ee saamaynaya, iyadoo aan loo kala eegin waddan faqiir ah mid atajir ah ama mid quwad leh iyo mid daciif ah.

Hadalada Shiinaha ayaa imanaya xili wadamada kooxda 7-aad oo ah Talyaaniga, Ingriiiska, canada, Maraykanka, jarmalka, japan iyo Faransiiska ay rabaan in mawqif midaysan ay ka qaataan dalka Shiinaha.

Wadamadan ayaa maanta saxeexaya heshiis dhigaya mashruuc loogu magac daray Dib u dhiska duni Wanaagsan, kaas oo la tartamaya kaabayaasha dhaqaalaha ee Shiinuhu uu ka hirgaliyay dunida iyo saamaynta dalkaas oo u muuqata mid welwel ku abuurtay dunida galbeedka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga