Shiinaha iyo Hindiya waxay mar kale isku eedeeyeen isku-dhacyo ka bilaabmay xadka ay wadaagaan labada waddan, oo sanado badan ay isku hor fadhiyaan ciidamo labada waddan ka kala socdaa.

Buuraha Himilaaya ayay ku muransanyihiin labada wadan. Mid waliba waxa uu sheegtaa lahaanshihiisa, waxaana aaga jooga tobanaan kun oo milatari ah oo hubaysan.

Labada dhinac ayaa rasaas is-waydaarsaday saacadihii lasoo dhaafay, iyadoo mid waliba uu ka kale ku eedaynayo cida bilawaday rasaasta.

Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa ciidamada Hindiya waxay ku eedaysay in ay kasoo gudbeen xadka u dhaxeeya, iyagoo hanjabaado badan u jeediyay una goodiyay ciidamada ilaalada xadka ee Shiinaha, sida lagu xusay warka wasaaradda difacaa.

Xukuumadda New Delhi ayaa iyadu iska fogaysay eedaymaha Shiinaha uga yimi, iyadoo dhankeeda xustay in ‘ciidamada Shiinuhu ay jabiyeen heshiiskii u dhaxeeyay labada dhinac’.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga