Dal waynaha Shiinuhu, wuxuu calankiisa casaanka ah ee shanta xidigood ku yaalliin ka taagay Dayaxa.
Dhacdadan, ayaa imanaysa muddo ka badan 50 sanno kadib markii Maraykanku uu calankiisa xidigaha iyo liidadka badanba leh ka taagay isla Dayaxa.
War-fidiyeennada ugu waawayn dunida ayaa baahinayay sawirro ay qaadday waaxda maamulka hawada Shiinuhu iyadoo aanay markani ahayn markii ugu horraysay ee uu Shiinuhu isku dayo taagista calankiisa ee Dayaxa.
Laba jeer oo hore ayuu Shiinuhu isku dayay inuu Dayaxa ka taago calankiisa, balse hawl-galladaasi ayaa noqday hal bacaad lagu lisay.
Sannadkii 1969-kii iyadoo la fulinayo dardaarankii madaxwaynihii Maraykanka John F. Kennedy, kaasi oo ahaa inuu Maraykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee Dayaxa taga, iyadoo Apollo 11 noqotay wax bini-aadanku sameeyo wixii ugu horreeyay ee Dayaxa ku degay, isla markaana Neil Amstrong uu ku noqday bini-aadankii ugu horreeyay ee cag saara isla markaana ku dul socda Dayaxa.
Kadib dhacdadaasi sannadkii 1969-kii, Maraykanku wuxuu shan jeer oo kale ayuu calankiisa ka taagay Dayaxa illaa 1972-kii.
Waxay ahayd uun sannaddii 2012-kii, markii haayadda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA ay soo bandhigtay, sawirro ay ku sheegtay inay yihiin calamaantii berigaasi la taagay kuwaas oo weli sidii u taagnaa, inkasta oo midabada calamadu ay caddaan isku bedeleen sababo la xidhiidha kulaylka qorraxda darteed.
Guusha uu Shiinuhu ku guulaystay inuu calankiisa ka taago Dayaxa, ayaa guul wayn oo muujinaysa koritaanka xawaaraha sare ku socda ee dalkani ku yaalla qaaradda Eeshiya, warbaahinta dunida ayaa ku warramaysa in dhererka calanka uu Shiinuhu Dayaxa ku xabaalay dhan yahay 90 cm halka ballac ahaan uu yahay 2 mitir.
Cheng Chang, oo horumarinta u qaabilsan mashruuca uu Shiinuhu Dayaxa ku tagay, ayaa waxaa uu sheegay in “Calanka qaranka ee caadiga u saaran dhulku, aanu ku bedbaadayn jewiga qallafsan ee Dayaxa’’.
Ku degista Dayaxa ee Shiinaha, ayaa tii saddexaad muddo 7 sanno gudahood ah, taasi oo Shiinaha ka dhigaysa dalkii labaad ee calankiisa ka taaga Dayaxa.