Waxay qayb ka tahay dedaalada uu shiinuhu ugu jiro sidii uu hoos ugu dhigi lahaa aaminaada diinta islaamka.

Maammulka magaalada beijin ee caasimadda dalka shiinaha ayaa mulkiilayaasha maqaaxiyaha iibiya cuntooyinka xalasha ah ku wargaliyaya in ay baabiiyaan magacyada ku qoran luuqadda carabiga, iyo astaan kasta oo meel uun kasoo galaysa diinta islaamka.

Iillaa 11 hudheel oo ku yaala magaalda beijin ayaa loo sheegay in ay baabiyaan astaanta dayaxa, iyo kalmadda xalal, oo ku qoran luuqadda caraboiga.

Dawladda shiinah ayaa mulkiilayaasha hudheeladan qasab kaga dhigtay amarka ay soo saartay, iyadoo taa badalkeeda fartayin ay isticmaalaan astaamaha kor u qaadaya dhaqanka shiinaha.

Shiinaha ayaa muddo saddex sanno ahba waday talaabooyin uu ku ciqaabayo dadkiisa aaminsan diinta islaamka. Muslimiinta ughur ee dalkan ugu dadka badan caalamka ayaa mudooyinkii danbe wajahayay cadaais xoogan iyadoo malaaayiin ka mid ahna lagu urruiyay xarumo lagu ciqaabo. Oo si wayn ay u cambaareeyeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanuhu.

Shiinaha ayaa wada olole kale oo uu ku baabinayo qudbiyada msaajidada ay ku cibaadaystaan dadka muslimiinta ahi. Isagoo ku bedelaya astaanta pagoda loo yaqaano oo ay isticmaalaan dadka aaminsan diimaha hindu-ga iyo budhismka.

Shiinaha oo ay ku noolyihiin muslimiin ka badan 20m, ayay ka jirtaa xoriyad dhanka diimaha ahi, balse xukuumadda bejin ayaa wada olole ay kor ugu qaadayso caqiidada shuuciyadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga