Warar uu helayo Telefishankan Saab, ayaa sheegaya in madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefti ka tirsan xisbiga Himilo ay u amba-baxeen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Weftiga madaxwayne Sheekh Shariif, ayaa waxaa ku wehelinaya, guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo siyaasiyiin kale.

Hore waxaa uga horreeyay oo isna Kismaayo u amba-baxay, madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanno katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyo xubno katirsan xisbiga UPD.

Kismaayo sidoo kale waxaa saaka gaadhay wefti uu hoggaaminayo madaxwaynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si walba iskugu dayday sidii ay u hor istaagi lahayd masuuliyiintan hore iyo siyaasiyiinta Kismaayo u duulaya taasoo dhankeeda sheegtay inaanay aqoonsanayn doorashadii lagu doortay madaxwayne Madoobe.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga