Hargaysa: (SAABTV)-  Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa si kulul uga hadlay taalabaddii ay Xukuumadda Somaliland Dalka kaga saartay Daaciga caanka ah ee Sheekh Maxamed Idiris,kaas oo mudooyinkii danbe ku sugnaa Somaliland,isla-markaasna qabanayay Muxaadarooyin iyo Tawjiihaad Diini ah.

Xog-hayaha Guud ee Xisbigga,Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal kooban soo saaray,ayaa sheegay in taalabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin,waxaana uu ku tilmaamay inay tahay siyaasad hagaastay oo aan cidna lagu matali karin.

Khadar Xuseen Cabdi,waxa uu intaas ku daray in Magaaladda Hargaysi tahay xarun lagu xurmeeyo,laguna marti-sooro dadka martida,shacabkeena ay u kala soocan yihiin waxa-laysku hayo iyo waxa laga midaysan yahay.

Qoraalka Xog-hayaha Guud ee Xisbigga WADDANI,Khadar Xuseen Cabdi,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan;  “Siyaasada hagaastay ee maanta dalkeena lagu hogaaminayaa waxay maraysaa in culimada Somaaliyeed ee wanaaga iyo diinta dadka la dhex joogta laga hor istaago munaasab. Sheikh mohamed Idiris waxaan u sheegayaa inaanay kuwaasi anaga nagu matalin nacaybka iyo naxliga. Hargeisa waa hoyga marti soorka iyo gobonimada dadkeeduna way garanayaan waxa la isu yahay waxa inoo kala soocan”. Ayuu yidhi qoraalkii Khadar Xuseen Cabdi

Image may contain: 1 person, sunglasses and closeup

Guud ahaanba ra’yul caamka Shacabka Somaliland,ayaa si weyn uga biyo diiday taalabadda ay Xukuumadda ku qash-qaashtay Joogitaankii Sheekha ee Somaliland,waxaanay ku tilmaameen shacabku inay tahay mid ka baxsan Milgo-soorka iyo marti-galintii ay Shacabka reer Somaliland soo jireenka u la’aahayeen.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga