Kadib markii maalintii, xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ay guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Saaxil u magacaabeen Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa maanta waxaa warqad ay warbaahinta qaarkeed soo xigatay soo saartay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, taasoo lagu sheegay in gebi ahaanba laga joojiyay sheekha khudbaddii uu ka jeedin jiray masaajidka Khaalid binu Waliid.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa sheegtay in iyaga oo ka duulaya nidaamka u yaalla wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo dhigaya, inay culimadu dhexdhexaad u noqoto bulshada ay u hayaan hoggaanka uguna yihiin arrimaha diinta islaamka.

Wasaaradda ayaa sheegtay, inaanay Somaliland ka dhicin in nin guddoomiye xisbi ahi mucaaradnimo iyo muxaafid toona aanu kaga khudbayn masaajidada dalka.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Sheekh Saleebaan laga joojiyay khudbadihii jimcaha ee masaajidka Khaalid Binu Waliid iyo kuwii garoomada ee xilliga ciidaha.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga