Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax u taagan in uu mar kale qabto hoggaanka Soomaaliya, Shariif Sh.Axmed ayaa kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Hirshabeele.

Shariif Sh. Axmed ayaa kala hadlay duubabka dhaqanka arimaha doorashooyinka, madal uu ku qaban doono Muqdisho iyo arimo kale.

Odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay Shariif ayaa soo xulay xildhibanada cusub ee Hirshabeele, isagoo kala hadlay cidda madaxweynaha noqon doonta wuxuuna soo jeediyay in beesha Xawaadle loo dhiibo madaxweynaha.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho gobol ballaadhan oo dib u heshiisiineed ku qabanaya, isagoo ku casuumay madaxda dhaqanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga