Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmee, ayaa hadalo adag ku duray dawladda federaalka Soomaaliya gaar ahaanna madaxda dawladda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Hadalada labada madaxweyne ee hore ayaa ka danbeeyay kadib markii mudo ay ku xanibnaayeen garoonka Muqdisho xili ay u socdeen magaalada Beledweyne.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dawladda ugu hanjabay in ay ka qaadi doonaan tallaabo isla markaana ay meesha ka saari doonaan hadii ayna joojin sida ay wax u wado, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dawladda Soomaaliya oo arintan la hadashay ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay hadalka labada madaxweyne.

Xiisadda ka dhextaagan masuuliyiintan iyo dawladda dhexe ayaa sii xoogaysanaysa, walina ma jiro kulan toos ah oo dhex maray labada dhinac.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga