Maxkamad dhaqameed ku taal dalka Zimbabwe ee Koonfurta Qaaradda Afrika ayaa amar ku bixisay in dib loo soo foqo maydka Madaxweynihii hore ee dalka Robert Mugabe, kaasoo 28 September 2019 lagu aasay barxadda beer ku taalay gurigiisa uu ku lahaa tuulada la yidhaahdo Kutama oo ka tirsan degmada Zvimba ee dalkaas Zimbabwi.

Robert Mugabe oo xilka Ra’iisal-wasaarenimo ee dalka  Zimbabwi soo hayey  laga soo bilaabo sannadihii 1980 ilaa 1987 dalkaas, kadibna xukunka Madaxweynenimo qabtay 1987, isagoo hayey ilaa sannadkii 2017 oo afgambi xukunka looga tuuray, markii uu geeriyooday sannadkii 2019, khilaaf la xidhiidha halka lagu aasayo ayaa dhexmaray Xukuumaddii dalkaas oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Emmerson Mnangagwa iyo qoyskii Robert Mugabe oo ay hormuud u ahayd xaaskiisii Grace Mugabe.

 

Xukuumadda Zimbabwi ayaa doonaynasay in maydka lagu aaso xabaalaha geesiyaasha qaranka oo ku yaal magaalada Caasimadda ah ee Herari, balse waxa arrintaas diiday qoyskii Madaxweynaha oo go’aansaday inay maydkiisa ku aastaan beer ku taal gurigooda dhexdiisa, aakhirkiina waxa la isla qaatay in la tixgeliyo rabbitaanka qoyska marxuumka, sidaas ayaana lagu aasay.

 Hasayeeshee, hal sanno, toddoba bilood iyo 27 maalmood kadib, maalintii Isniinta waxa go’aan soo saartay Maxkamad dhaqameed ku taal degaanka uu asal ahaan ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Zimbabe, taas oo amartay in dib loo soo foqo maydka, si rasmi ahna mar kale loogu aaso qubuuraha geesiyaasha qaranka ee magaalada caasimadda ah ee Harari, iyadoo sidoo kale Maxkamad-dhaqameedku ay  ay ku eedaysay xaaskii hore ee Rubert Mugabe inay jabisay axdi dhaqameed soo jireen ah oo dhigaya in dadka geesiyaasha ah lagu xabaalo qubuuraha geesiyaasha qaranka.

 

Waxa kaloo ay Maxkamadda dhaqanku amartay in maydka Madaxweynihii hore lagu aaso xabaalaha geesiyaasha qaranka muddo 30 maalmood gudahood ah ama haddii kale in la aaso inta ka horaysa bilawga bisha June ee sannadkan, halka sidoo kale ay Maxkamadda dhaqanku go’aamisay in dhammaanba wixii uu dhar lahaa iyo hantidii kale ee uu haddiyadaha ku helay dib loo soo ururiyo lana soo wareejiyo, maadaama ay yihiin hanti la dhigayo xarumaha kaydka qaranka ee xasuusaha loogu talogalay.

Xaaskii hore ee Madaxweyne Rubort Mugabe oo aan ka soo qaybgelin dhegaysiga goobta go’aankan laga soo saaray, ayaa lagu ganaaxay inay bixiso shan sac iyo ri, halka sidoo kale lagu amray inay bixiso dhaqaalaha ku baxay hawlwadeenada dib u soo foqaya, una aasaya qalfoofka maydka ninkeedii hore, ahaana Madaxweynihii Zimbabe.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga