Shacabka dalka masar ayaa taageeray waxa kabadal lagu sameeyay dastuurka dalkaas, oo madaxweynaha talada haya, Cabdul Fatah Alsis u ogolaanyaa in uu xukunka sii hayo ilaa Sanadka 2030ka, sida lagu sheegay war kasoo baxay komishanka doorashooyinka oo gadhwadeen ka ahaa aftida la qaaday maalintii shalay ahayd.

Komishanka ayaa xusay in 23-Milyan oo ka mid ah shacabka masar ay aqbaleen wax kabadalkan Baarlamaanku ay u sameeyeen qaar ka mid ah sharciyada doorashada.

Codaynta aftida oo socotay muddo sadex maalmood ah ayaa 88% dadka codeeyay ay aqbaleen halka 11%-na ay diideen qorshaha u madaxweyne sisi ku dheeraysnayo xukunka.

Aftidda ayayna ka qayb qadaan in badan oo ka mid ah shacabka dalka masar kuwaas oo aan la dhacsanayn siyaasadaha madaxwayne sisi.

Sharcigan oo Baarlamaanka dalka ay meelmariyeen todobaad ka hor ayaa dhigaya in madaxweyne sisi uu imika xukunka hayo muddo lix sanno ah halka uu hayn lahaa 4 sanno.

Waxa uu sidoo kale u ogolaanya in uu laba jeer oo kale oo min lix sanno ah hadana isasoo sharaxo, taas oo ay u badan tahay in uu kuwada guulaysan doono doorashooyinka, madaama lagu eedeeyo in uu cabudhiyay dhamaan mucaaaidkii xooganaa ee dalka masar, Saxiib dhawna uu la Leeyahay dawladaha reer galbdeedka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga