Caruurta wakhtiga dheer ku qaadata eegida shaashada moobilada iyo Tv-yada ayaa la sheegayaa in ay dhaawac u gaysan karaan kobocooda maskaxeed sida lagu sheegay diraasad dhawaan la sameeyay.

Dirasada ayaa lagu daabacay Jariirada ka faaloota Ariaha Caafiamaddka ee JAMA Paediatrics.  

Cilmi baadhistan oo lagu diyaariyay gudaha dalka Canada isla markaana lagu sameeyay carruur ay tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 2,500 oo 2 sano jir ah, ayaa noqotay caddeyntii ugu dambeysay ee loo soo bandhigay doodda ku saabsan sida ay ilmaha dhibaato uga soo gaadhi karto isticmaalka shaashadaha.

Khubaro ku Kala sugan wadamadda a Canada iyo Mareykanka ayaa sheegay in carruurta aan loo fasixin isticmaalka shaashadaha ilaa inta ay ka gaadhayaan 18 bilood oo u dhiganta 1 sano iyo badh.

Mac-hadka caafimaadka carruurta ee dalka Ingiriiska ayaa shaki galiyay diraasadan  isagoo sheegay in ilaa iyo hada aan caddeymo ku filan loo heynin waxyeello toos ah oo carruurta ay ka dhaxlayaan shaashadda.

Daawashada shaashadaha waxaa ku jira in caruurtu ay daawadaan barnaamijyada Telefishinada, filimada ama muuqaallada, ciyaaraha iyo isticmaalka kumbuyuutarrada, tablet-yada, telefoonnada ama qalabka kale ee shaashadaha leh.

diraasada ayaa muujineysaa sida ay carruurta uga gaabinayaan inuu kobco garaadkooda, marka ay wakhti badan ku bixiyaan shaashadda, inkasta oo aanay caddayntani ku filnayn in shaashadda oo lagu bixiyo wakhti ay mas’uul ka tahay hoos udhaca kobaca garaadka carruurta, maadaama ay jiraan waxyaabo kale oo arrintaas sababi kara.

Marka ay caruurtu wakhti badan ku qadato hor fadhiga shahadhaha moobilada amaa Tvyada waxa suurtagal ah in ay ku seegaan waxyaabo badan oo ay baran lahaheyn taasina ay sabab u noqoto in mar danbe ay bartaan wax badan oo yaraantii ay ku seegeen..

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga