Sennedka Maraykanka ayaa meel mariyay danjiraha cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo bishii April ee sanadkan la magacaabay.

Larry André Jr. ayaa noqonaya danjiraha Maraykanka u fadhiyi doona Muqdisho xili Soomaaliya ay ka mid tahay saaxiibada Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika.

Danjirahan oo da’diisu tahay 60-sanno ayaa kasoo shaqeeyay wadamo badan oo qaaradda Afrika ah kana mid yihiin Kenya, Tanzania, Guinea, Ethiopia, Sierra Leone, Sudan iyo wadamo kale, isagoo intaasba kasoo shaqeeyay hawlo kal duwan oo la xidhiidha wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga