Qarax xoog badan ayaa saaka laga maqlay magaalada Kabul ee caaasimadda waddanka Afkaanistaan.Qaraxa ayaa lala eegtay meel aan sidaa uga fogayn safaaradda Maraykankau uu ku leeyahay Kabul, iyadoo sidoo kale ay aagaas degenyihiin tiro kale oo safaarado ah.

Aaga qaraxa lala eegtay oo ah mid aad loo ilaaliyo, ayaa sidoo kale xarun u ah ciidanka sirdoonka dawladda.

Illaa 3 qof ayaa ku dhintay halka 30 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay ciidanka boolisku sheegeen.

Magaalda Kabul ayaa wali qaraxyo hoy u ah, xataa iyadoo ay is-afgarad hordhac ay gaadheen Maraykanka iyo kooxda Daalibaan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga