Safaaradda dawladda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa barteeda bulshada ee Facebook ku baahisay sawirro la qaaday 8 sanno kahor, kuwaasoo ahaa booqasho uu raysal-wasaarihii hore ee Turkiga, madaxwaynaha imika Recep Tayyip Erdoğan kutagay Muqdisho xilli ay koonfurta Soomaaliya la taag darnayd abaartii ugu xumayd muddo 60 sannadood ah.

Safaaradda ayaa qoraal ay ku dul qortay ku sheegtay, inuu safarku ahaa kii ugu horreeyay ee hoggaamiye aan qaaradda Afrika u dhalini kutago Soomaaliya kudhawaad labaatan sannadood, iyadoo xustay inuu ahaa mid is bedel wayn ku keenay xidhiidhkii labada dal korna u qaaday xidhiidhka labada dal ee dhinacyada ammaanka, waxbarashada iyo bini-aadamnimada.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu xusay in Turkigu uu weli garab taagan yahay Soomaaliya
caawinayona walaalahooda Soomaalida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga