Sawirka madaxweynihii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya yeelato ayaa mar kale la sudhay hoolka Nelson Mandella ee xarunta Midawga Afrika, kadib in muddo ah oo uu ka maqnaa.

Aadan Cadde ayaa ka mid ahaa madaxdii aasaastay Midawga Afrika, iyadoo burburka ka hor ay Soomaaliya ka mid ahayd wadamada udub dhexaadka u ah Midawga Afrika, balse sanadihii lasoo dhaafay ayaa qaska ka jira gudaha Soomaaliya uu curyaamiyay kaalintii ay ku lahayd golaha iyo madalaha kale ee caalamiga ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo booqday meesha uu ku yaalo sawirkiisu, isaga iyo madax kale oo Afrikaan ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga