Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay mid ka mid ah saraakiisha ururka alShabab ee Soomaaliya ka dagaalama.
Hawlgal ay ciidamada khaaska ah ee Danab ka fuliyeen gobolka Jubada Dhexe ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalka oo ka tirsanaa waaxda warfaafinta ee alShabab.
Kooxda alShabab wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhankooda.