Qaar ka mid ah saraakiisha miltariga ee dalka sudan ayaa iscasilay, kadib dibadbaxayda aan kala go’lahayn ee dalkan ku yaala waqooyi bari qaarada afrika ka socoday bilihii ugu danbeeyay.

Gollaha milatrariga ee tadala haya ayaa wadda hadal la furay hogaamiyaasha dibadbxyada ee soo qaban qaabiyay kacdoonadii xukunka laga tuuray madaxweyne Albashirr, maalmo kadib markii ay laaleen wadaxaajoodkii u dhexeeyay iyaga iyo mitariga oo ay sheegeen in ay waxba ka Afgaran waayeen.

Madaxda mudahradaysha ayaa aqbalay kulamo ay la yeeshaan miltariga talada haya.

Golaha ayaa war kasoo baxay ku sheegay in ay dibadbaxyaasha kala hadli doonaan soo jeedintooda ah in dawlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo, si ay dalka u gaadhsiiso doorasho rasmi ah.

Ururada ay ku midaysanyihiin dibad baxayashu ayaa maanta oo khamiis ah ku waday in ay si iskood ah ugu dhawaqaan gole ku meel gaadh ah oo qabta taadla dalka.

Saddex ka mid ah saraakiisha miltariga ee muranka badan dhaliyay lana soo shaqeeyay maaxweyne albashir ayaa is casilay, si ay xaaladu u dagto, balse mudahradayasha ayaa u muuqda kuwo aanay qancin talaabooyinka Millateriga, iyagoo sii wada dibadbaxyda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga