Itoobiya waxa cunta ka soomay saraakiil sare oo mucaarid ah oo xukuumadda raysalwasaare Abiy Axmed ay xabsiga u taxaabtay iyadoo eedaymo kala duwan u samaysay.

Ninka taageerada wayn ku haysta gudaha Itoobiya ee dabad jooga ahaan jiray, Jawar Maxamed, oo Oromo ah ayaa ka mid ah kuwa cuntada ka soomay.

Muddo ka badan 13 maalmood ayay diideen in ay cunaan cuntada Jawar Maxamed iyo 19 kale oo ka tirsanaa kooxaha mucaaridka.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa xidhay saraakiishan mucaaridka ah bishii September ee sanadkii dhamaaday. Waxa markaa ay dawladuu ku eedaysay in ay lug ku leeyihiin rabshado isir ku salaysan oo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya. Waxa ku jiray rabshado lagu dilay fannaankii caanka ahaa ee Hacallu Hundessa.

In ka badan 150 qof ayaa lagu dilay rabshadahaas kadib Oromada deggen magaalada caasimadda ah ee Addis oo qas iyo rabshado ka bilaabay qaybo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah.

Qareenada u doodaya Jawar iyo sarakiisha la xidhan ayaa warbaahinta u shegaay in ay dalbanayaan sii-dayn degdeg ah.

Dawladda Itoobiya weli kamay hadal cuntada ay ka soomeen siyaasiyiinta u xidhani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga