Saraakiisha ciidamada milatariga dalka gabon ayaa ku dhawaaqay in la wareegeen talada dalkan ku yaala galbeedka qaarada afrika.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay meesha ka saarayaan madaxweyne cali bongo iyo qoyska uu kasoo jeedo oo dalkan xukumayay muddo ka badan 50 sanno.

Ciidamada ayaa la wareegay idaacada dawladda, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen in ay talada wadanka soo celinayaan. Agagaarka

Idaacada oo dhacda badhtamaha magaalada caaasimadda ah ayaa laga maqlayay dhawaqa rasaasta, sida ay klu warantay wakaalada wararka ee AFP.

Gawaadhi hubaysan, ciidamo iyo taangiyo ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Libreville.

Saraakiisha afganbiga sameeyay ayaa tibaaxay in ay soo celinayaan dimuqraadiyadda, isla markaana dadka da’yarta ah ay ku dhiirigalinayaan in ay ilaaliyaan sharafta gabon.

Sidoo kale, ciidamda ayaa sheegay in madaxweyne cali bongo uu ku guuldaraystay hogaaminta gabon, isla markaana aanu gudan karin xilkiisa

Xili uu la tacaalayo caafimaad darrro soo foodsaartay. Bishii aktoobar ayaa daawayn loogu qaaday dalka marooko, waxaana asiibay xanuunka faaliga.

Cali boongo oo ah madaxweynaha imika la afganbiyay ayaa shacabka reer gabon usoo talinayay tan iyo sanadkii 2009-kii, wuxuu doorsho kale ku guulaystay sanadku Markuu ahaa 2009-dii

Cali boongo ayaa talada kala wareeegay aabihii cumar bongo oo ahaa kaligii taliye gabon haystay intii u dhaxaysay 1967-2009, taas oo ka dhigan in qoyska reer boongo ay dalkan saliida qaniga ku ah u talinayeen muddo kabadan nus qarni.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga