Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ka dalbaday madaxweynaha dalkaas in uu dib Soomaaliya ugu celiyo ciidamada laga saaray sanad ka hor.
Saraakiisha waaxda difaaca ee Maraykanka ayaa u sheegay Joe Biden in loo baahanyahay in Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada hadda ku sugan Jabuuti iyo Kenya ee laga saaray bsaldhiga Balidoogle ee gudaha Soomaaliya.
Saraakiisha Maraykanku waxay sababa uga dhigeen in aan wakhtigan laga maarmahayn ciidamada Maraykanka oo la geeyo Soomaaliya. Waxay xuseen in ay ku adagtahay fulinta duqaymaha danka cirka marka aanay ciidamada Maraykanku ku sugnayn gudaha Soomaaliya.
Wasaarada gaashaandhigu waxay dalabatay in imika si degdegah loo geeyo Soomaaliya 100 askari oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran.