Ciidanka Kenya ayaa qirtay in saraakiil lagaga laayay deegaan u dhaw magaalada Gaarisa oo aan sidaa uga fogayn xadka ay la leedahay dalka Soomaaliya.

Warbaahinta deegaanka ayaa ku waramaysa in illaa 10 ka mid ah ciidanka Kenya lagu dilay weerar isqarxin ahaa oo ka dhacay deegaanka Damale, balse Kenya may xusin tirada laga dilay.

Kooxada alShabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarada oo ay sheegtay in ay ahaayeen miinada dhulka lagu aaso. AlShabab ayaa inta badan weeraro hubaysan ka gaysata deegaanada u dhaw xadka ay wadaagaan labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo si gaar ah u beegsata ciidanka Kenyanka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga