Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Iyo Maaliyada Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle Ayaa Sheegay In Howlgal Ay Sameeyeen Ciidamada Lagu Soo Qabtay Labo Saraakiil Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha La Soo Qabtay Ayaa Kala Ah C/Kariin Abuu Xamsa Oo Al-Shabaab U Qaabilsanaa Maaliyadda Gobolada Banaadir Iyo Shabeellaha Hoose Iyo Sheekh Muudey Oo Isna Al-Shabaab U Qaabilsanaa Amniyaadka

Bilihii Ugu Danbeeyay Gobolka Shabeellaha Hoose Waxaa Ka Soconayay Howlgalo Ay Iska Kaashaanayaan Ciidamada Dowladda Iyo Amisom Oo Lagu Baacsanayo Al-Shabaab, Wallow Xoogaga Al-Shabaab Inta Badan Weeraro Ku Qadaan Fariisimaha Labada Ciidan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga