Sanad kasta bisha Ramadan ayaa xiligeeda kasoo hor marta maalmo dhan 10 illaa 11 maalmood, iyadoo sanadkan oo kale ay xiligii hore kasoo hor martay bishu marka laga qiyaas qaato taariikhda miilaadiga.

Khaalid al-Zaqaq oo ah khabiir xidigiska bartay una dhashay Sucuudiga ayaa sheegay in sanadka 2030 ay muslimiintu soomi doonaan laba jeer.

Arintan bisha durkaysa ee Ramadan ayaa ka dhigan in soddoonkii sanaba hal mar ay Muslimiintu soomaan laba jeer sanadkii, waxaana ugu danbaysay sanadkii 1997.

Sanadka 2030 bisha Ramadan waxay bilaabmaysaa 6-da January halka Ramadan-ta xigta ay bilanayso 26-ka bisha Decembeer ee isla sanadkaas, iyadoo ay sabab u tahay maalmaha durkaya ee bisha Ramadan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga