Du Wei, safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israel ayaa la helay maydkiisa axadda maanta. Kooxo la shaqaynayay ayaa maydkiisa ka helay sariirtiisa dusheeda, iyadoo la sheegay in aan lagu arag wax calaamad ah oo jidhkiisa ka muuqata. Wuxuu deganaa duleedka magaalada caasimadda u ah Israel ee Tel Aviv.

Warbaahinta gudaha Israel ayaa ku warantay in dhimashadiisu ay u badantahay in ay la xidhiidho xanuun dhanka wadanaha, balse ma jirto illaa hadda in caddaynaysa sababta uu u geeriyooday safiirkani.

Wei oo 58 jir ahaa ayaa danjiraha Shiinaha ee Israel loo magacaabay bishii February ee sandakan. Booliska Israel ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano ku aadan sababta dhimashadiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga