Safiirka dawladda Maraykanka u jooga magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa beeniyay in uu jiro kulan dhex maray isaga iyo madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Wargayska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa shalay daabacay in uu waraysi la yeeshay safiirka isla markaana uu safiirku xusay in uu kulan dhex maray isaga iyo madaxweyne Farmaajo, si kiiska dhanka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya loogu dhameeyo wadaxaajood, maxkamaddana loogasoo saaro.

Kyle McCarter ayaa tibaaxay in aanu la kulmin madaxweyne Farmaajo balse uu la kulmay mid ka mid ah la taliyayaashiisa, wuxuuna kala hadlay muranka badda ee u dhaxeeya xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa isaguna xusay in aanu jirin kulankaasi, isla markaana looga baahanyahay wargayska in uu caddeeyo. Inkasta oo uu safiiirku qiray in Kyle McCarter uu bilo ka hor Muqdisho u safray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga