Safaaradda Mareykanka ee ku taala gobolka Balkan ee dalka Montenegro ayaa la weeraray Maanta. kadib markii qof hubaysan bam gacmeed ku tuuray, kaasoo burbur xoogan u gaysatay dhismaha safaarada.

 
bilayska ilaalada ka ahaa safaarada Mareykanka waxay uga digeen dadka in ay ka fogaadaan aagga weerarku ka dhacay.

 
Xukuumadda Montenegro ayaa sheegtay in aan la garaneyn qofkii weerarka gaystay.Mana jiraan wax dhimasho oo ilaa hada la soo sheegay.

 

Wergeyska New York Times ayaa soo wariyay in markhaati uu arkay ninkii ku tuuray Bam’bada derbiga safaarada. Balse Safaaradda ayaanay wax shaqo ahi ka socon waqtigii weerarka lagusoo qaaday.

Shaqaalaha safaarada ayaa lagu wargaliyay inay guryahooda joogaan Maanta,

dawlada Montenegro ayaa lagu Canaantay in ay hagaajiso hay’adaha sirdoonka”si ay ula socdaan hanjabaado argagixiso oo suurogal ah in lagusoo qaado.

Montenegro waxay xuduud u tahay Badda Adriatic ee koonfur-galbeed Yurub sidoo-kale Waxay ku biirtay Ururka NATO sannadkii hore.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga