Boqorka dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa martiqaad soo gaarsiiyay madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Martiqaadka Boqorka Sacudiga ayaa la xiriirta ka qeybgalka shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.
Shirkan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan la filayaa in uu ka qabsoomo, Boqorka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan oo madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay martiqaad uu ka siday Boqorka Sacuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga