Dhowr hoggaamiye oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa la qorsheeyay in ay la kulmaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump bilaha soo socda, sida uu sheegay sarkaal Sare Oo Mareykan ah.

 
Dhibaatada diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka Washington, ayaa hoggaamiyeyaasha gobolku waxay booqasho ku Ugu tagi doonaan Trump, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaa ku sheegtay Warbixn Ay Qortay Maanta.

 
Boqorka Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, Abu Dhabi Amiirka Crown Prince Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo ka socda Imaaraadka Carabta iyo Qatar Emir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa la qorsheeyay in ay la kulmaan Trump Bilaha March Ama April.

 
Wadahadaladan ayaa la filayaa in xal waara laga gaadho khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Wadamada Carabta.

 
Khilaafka Wadamada Carabta ayaa bilaabmay Juun 2017, markii Sacuudi Carabiya, UAE, Masar iyo Bahrain ay xidhiidhka diblomaasiyadeed U Jareen Qatar waxayna kusoo Rogeen Xanibaada Dhulka Hawada iyo Isku Sacodka kadib markii lagu eedeeyay taageerada “argagixisanimo”

 
Qatar ayaa si xoogan u diiday eedeymahaasi iyadoo Sheegtay in farogalin Qaawan lagu Hayo Siyaasadeeda.

 
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa si isdabajoog ah ugu baaqay dalalkan inay wadahadal la yeeshaan Dawlada Qatar.

 
Horaantii bishan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ka qayb galo shirwaynaha Wadamada Carabta ee soo socda,

 
Shirkii ugu dambeeyay ee Maraykanka iyo GCC waxaa lagu qabtay bishii May 2017, caasimadda Sacuudi Carabiya, ka hor inta aan la bilaabin xiisadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga