Raysalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya.

Sababta shaqo-ka-joojinta ayaa ah in wasiir Cabdi Saciid uu fasaxay markab siday dhuxul si sharci darro ah looga raray Soomaaliya oo ku xidhnaa dalka Cummaan, kaas oo uu amray in lasii daayo.

Raysalwasaare Rooble ayaa sheegay in warqadda wasiirku kusii daayay ay ahayd mid khilaafsan sharciyada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga