Kadib markii Donald Turmp laga helay xanuunka Covid-19 saamaynta warkiisa ayaa dhaqalaha dunida wax badan ka bedeshay.
Suuqyada saamiyada kuwa saliida iyo suuqyo badan oo kale ayaa laga dareemay hoos u dhac baaxad leh.
Suuqyada saamiyada ee Maraykanka iyo Asia oo ah kuwa ugu waawayn dunida ayaa hoos u dhacay 1.9% wax yar kadib markii warka Trump la helay.
Qiimaha lacagta dollar-ka ee Maraykanka ayaa sidoo kale sare u kacday.
Saamaynta suuqyada laga dareemay ayaa sidoo kale samaayn wayn ku yeelanaysa maalgashiyada qorshaysnaa mustaqbalka dhaw, iyo guud ahaan dhaqaalaha dunida oo mudooyinkii danbe uu si wayn u wiiqay xanuunka Covid-19.
Inkasta oo Trump uu balan qaaday in uu hawlihiisa sii wadan doono, hadana dhaqaalaha Maraykanka ayaa la filayaa in uu mar kale dhulka galo.
Madaxda dunida ayaa ka falcelisay xanuunka ku dhacay Trump.
Madaxweynayaasha Midawga Yurub, Turkiga, Raysalwasaarha Hidniya, raysalwasaaraha Ingiriiska, ka Jarmalka, madaxweynaha Ruushka iyo madaxa hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa intuba Trump u rajeeyay in uu ka bogsado xanuunka.