(COMBO) This combination of file pictures created on September 29, 2020 shows US President Donald Trump (L) and Democratic Presidential candidate former Vice President Joe Biden squaring off during the first presidential debate at the Case Western Reserve University and Cleveland Clinic in Cleveland, Ohio. - Trump, who is still being treated for Covid-19, said on October 8, 2020, he will refuse to take part in the presidential debate on October 15 after it was switched to a virtual format. "I'm not going to do a virtual debate," he told Fox Business News, saying this was "not acceptable to us." (Photos by JIM WATSON and SAUL LOEB / AFP)

Haddii Eebaha wayni ogolaado doorashadii madaxwaynenimada Maraykanku waa maalin kadib, Salaasada ugu horraysa bisha November ee aynu ku jirno ayaa la qabtaa afartii sannoba mar iyadoo shuruudaha laga rabo qofka madaxwayne noqonaya ay kamid yihiin in da’diisu ugu yaraan tahay 35, ku dhasho Maraykanka uuna deganaa illaa 14 sanno.

Laba nin ayaa u taagan doorashada Salaasada dhacaysa, Donald Trump madaxwaynaha imika oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo kasoo jeeda midka kale ee Dimuquraadiga.

Bal haddaba si aad u fahanto qaabka ay u dhacdo doorashada dalkaasi, iyo cidda loo saadaalin karo xafiiskan Ovul Office ee aqalka cad ku yaalla, fadlan ila joog.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee dhacaya taariikhda USA, waxyaabo badan oo lasii saadaalin lahaa, cudurka Coronavirus ayaan ka dhigin suurtagal, kumannaan Maraykanka ah ayuu dilay cudurku, Malaayiin baa qaaday xitaa Trump laftiisa ayuu haleelay.

Labada xisbi ee ugu waawayn dalkaasi, waxay soo xusheen qofka baratanka u galaya, qofkaasina wuxuu isna soo xushay qofka madaxwayne-xigeen u noqon doona. Shirwayneyaal waawayn ayay qabsadeen xisbiyadu, waxaanay ku safreen oo jaanta wada mariyeen gebi ahaanba dalka oo dhan iyagoo u sharraxaya qorsheyaashooda siyaasadeed iyo fikradahooda.

Haa kharash badan baa baxay, laakiin xusuusnow kooxaha ololaha xisbi walba ayaa taageerayaashooda ka ururiyay tobannaan Milyan oo dollar.

Malaayiin Maraykanka ah ayaa imika codkooda sii dhiibtay codayn-horudhac ah.

Saadasha illaa hadda la qirsan yahay waa in Biden ku horreeyo codadka dadwaynaha Maraykanka.

Sug sug sug, hadda ogow doorashadii 2016, markii ay wada tartamayeen Trump iyo gabadhii Hillary Clinton, gabadha ayaa ka horraysay Trump ku dhawaad 3 Milyan oo cod, markaa waxaa jira nidaam kale oo la maro doorashada Maraykanka.

Nidaamkaasi waa maxay? Dabcan waxaa la yidhaa Electoral College, aabbeyaashii Maraykanka ayaa sameeyay nidaamkani 200 oo sanno kahor, ujeedkooduna waxaa uu ahaa haddii dadwaynuhu ay doortaan qof aan u qalmin inuu noqdo madaxwayne in lagu hor istaago.

 waa dad ka wada shaqaynaya dan guud, gobollada Maraykanka oo dhan baa loo qaybiyaa, tiradooda imiku waa 538 qof, kuwaas oo loo qaybiyo guud ahaan gobollada Maraykanka.

Haddii dadwaynuhu kuu codeeyaan oo lagaaga guulaysto 538-kan qof ma noqonaysid madaxwaynaha Maraykanka, markaa waa in aad ku guulaysto ugu yaraan 270 kamid ah 538 qof.

In badan ayaa laysku dayay in la bedelo nidaamkan, balse weli hawshiisu way socotaa.

Waxaa jira gobollo ay xisbiyadu haystaan oo mid weliba hubo inuu codadkiisa helayo kuwaas oo lagu kala muujiyay midabada casaanka iyo buluugga, halka qaar kalena lagu sumadeeyay midabka hurdiga ama hurudda, oo ah inay isbed-bedelaan oo ay hadba xisbi ugu ridaan codka.

Gobollada haysta tirada codad ee ugu badan Electoral College-ku waa 

  1. California oo haysta 55 cod
  2. Texas 38
  3. New york iyo Florida-na mid waliba wuxuu leeyahay 29 cod

.    4. Illinois iyo Pennsylvania  midkiiba waa 20. 

  1. Halka Ohio ka haysto 18 cod.

Gobollada ugu codka yar waxay kala yihiin sidan:

  1. Alaska, Delaware, the District of Columbia, Montana, North Dakota, South Dakota, Vermont and Wyoming midkiiba wuxuu haystaa 3 cod.
  2. Hawaii, Idaho, Maine, New Hampshire and Rhode Island midkiiba afar cod ayuu leeyahay.
  3. Nebraska, New Mexico, and West Virginia midkiiba shan cod buu yeeshay
  4. Arkansas, Iowa, Kansas, Mississippi, Nevada and Utah midkiiba 6 cod ayuu leehayay
  5. Connecticut, Oklahoma iyo Oregon midkiiba 7 cod ayuu haystaa.

Doorashadani tijaabo ayay u tahay dimuquraadiyadda Maraykanka, dad badan ayaa werwersan sababo la xidhiidha hadallo hore uga soo yeedhay madaxwayne Trump in haddii laga guulaysto aanu wareejin doonin amaba aanu aqbali doonin natiijada doorashada, isagoo ku sababaynaya in codadka lagu dhiibto Email-lladu aanay ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo oo ku shubasho ka dhici karto, inkasta oo khubaradu ay sheegeen inayba yihiin kuwa ugu musuqmaasuq yar.

Khuburadu waxay sheegayaan oo kale in doorashada aan lagu dhawaaqi doonin isla habeenimada la xidho goobaha cod-bixinta ee ay qaadan karto muddo inta lakala hufayo ee lakala haadinayo codadka Emaillada lagu soo dhiibtay.

Saamaynta uu leeyahay madaxwaynaha Maraykanku, kuma koobna oo keliya gudaha dalkaasi, marka uu xafiiskan qaabka beedka leh ee Oval Office oo ku yaalla daanta galbeed ee aqalka cad soo fadhiisto madaxwaynaha Maraykanku, wuxuu ku saxeexaa amarro saamayn ku leh adduunka oo dhan, wuxuu noqdaa taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, kaasi oo amri kara ganista gantaalaha wax baabiiya iyo duqaynta ay gaystaan diyaaradaha is-wada, kuwaas oo xitaa duqaymo ka gaysta Soomaaliya.

Madaxwaynaha Maraykanku waa midka ugu ilaallada adag adduunka, kaas oo ku safra gaadiid si aad ah u qalabaysan oo ay kamid yihiin diyaaradda sida kuwa shacabka u eg balse ah nooca Militariga ee Air Force One, midda qumaatiga u kacda ee Marine One iyo baabuurta sida aadka ah u gaashaaman ee The Beast ama Limo One.

Bal haddii aad adigu saadaaliso dhankaaga, yay kula tahay inuu madaxwayne ka noqon doono Maraykanka doorashada Salaasada dhacaysa, Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa. 

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga