Shirkadda Mara Group ee dalka Rwanda ayaa markii ugu horeysay taariikhda Africa soo saartay moobilada gacanta oo casri ah, ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ‘smartphone’.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa xadhiga ka jaray warshaddan oo lagu tilmaamay tan ugu wayn nooceeda ee laga hirgaliyay gudaha Afrika.

Rwanda ayaa rabta in ay noqoto hoyga tiknoolajiyadda ee Afrika, iyadoo tallaabadanina wax badan ka caawin karta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga